Marehan
CEELWAAQ
Posts  1 - 1  of  1
maxbol123
Ceelwaaq, waxay ku taalaa koofurta fog ee soomaaliya, waxay ka tirsan tahay gobolka Gedo, waxay xad la leedahay dowlada kinya, waxaa ku yaala suuqa ugu wayn ee xoolaha lagu kala iibsado gobokla. magaalada waxay caan ku tahay ceelwayn oo sadex xarigle ah lana yiraahdo ceelka Ceelwaaq.

tix uu ceelka ka tiriyey cabdalle oo booqasho uga yimi Balanbal, waayo curadkiisa ayaa ku noolaa Maxamed cabdalle:
Wagaa ceelka wuxuu ka yiri:

WALAALOW CEELKA CEEWAAQ CID WALBOOY SHOBO
CIRKII WAA CURTOO CAADIL MAHADIIYE
WAXAA LA HORAYAA COODKIIYOO
CURADADII UURMIDIG BAA KUU DIYAAROO
WALAALOOW CEELKA CEELWAAQ CID WALBOY SHUBO

KALTAN KA WAAYI MAYSIDE HA CALOOLYOOBIN
CURADADII BAA KUU SHUBIYE HA CALOOLYOOBIN
WAA CARAATAN HOWSHUYE HA CALOOLYOOBIN
WALAALOOW CEELKA CEELWAAQ CID WALBOY SHUBO

SAFAR CAMIRAN BAAD LA CARAABIYE HA CALOOLYOOBIN
DADKA KAA HAQABTIRI WAA AWCALIYE HA CALOOLYOOBIN
XOOLUHU HUBANTI WAA KUU CABIYE HA CALOOLYOOBIN
ANNIGA CABDALLAA KATAlIYEE HA CALOOLYOOBIN
WALAALOW CEELKA CEELWAAQ CIDWALBOY SHUBO.
WALAALOW CEELKA CEELWAAQ CIDWALBOY SHUBO.



Save
Cancel
Reply
 
x
OK